Pontus Marine

Monday, July 13, 2015

Tacsi : Jama Abdillahi Qalib Diir qadhaadh oo geeriyoodey

Alle ha u naxariistee waxaa maanta  geeriyoodey Jama Ghalib alle janadii fardousa haka waraabiyee.
Waxa wakhti barakaysan raxmada ilaahay u jarmaaday Jama Abdillahi Qalib  Diir qadhaadh oo so qabtay raiisal baarlamaani u horeeyay ee is raaci labadi Somaliyeed ee aan la mahadin.Marxuumku wuxu aha markii maraykanku u diiday Somalida hubka ninki ka degay moosko ee soo saxeexay heshiiski taarikhiga aha ee midowgi Soofyeetku ku soo galay Somalia xiligaas oo ay jiraan laba quwadood oo isu dheelitiran.iyado ay Somalida xiligaas aad hub ugu baahnayd oo ay iska soo hor jeedeen Ethiopia oo ay ka dhaxaysay colaad xumi.loona baahna in cidamadi Somalidu helaan hub ay iskaga waabiyaan amxaarada.sidaasi darteed waxa uu ku soo guulaystay in uu soo saxeexo heshiis taariikhi aha oo ay ciidamadi Somalidu ku helaan hub iyo tabobaro u dhigma kuwii ay iska soo horjeedeen sida laga soo xigtay ruug cadaagi Marxuum Qaybe oo aha safiirki Somalida u fadhiyay xiligaas midowgi Soofiyeetka.marxuumku wuxu ku sifoobay adoon cibaado suuban leh.
Jama wuxu ku Dhashay Magaalada Hargeisa 1930 Jamaac weyn, Wuxu quranka xafdigiisa ku baratay malcaamaddii Sheikh Harun,ka dib Aden  (South Yemen)ayuu u dhoofay isaaga oo uga si gudbay dalka Ingriiska, Wuxu dib ugu soo laabtay dalka 1956 oo qayb qaatay halgaankii dalka lagaga xorayay isticmaarkii ingriiska, doorasaddii 1960 waxa laga soo doortay Salaxally waxaanu noqday afhayeenka golihii tasriiicaga, markii konfuur la isku darsaday wuxu noqday gudoomiyihi ugu horeeyay ee Somali Republic baarlamadeeda 1960 -1964.Wuxu aha nin ehel u ah diinta, siyaasad u yaqaan adeeg shacabka oo ku qotoma daacada , wax qabad iyo run  ilaahay ha naxariisto.

Waxa ummadda soomaliyeed, ehelkiis iyo ehelkiis ka tacsiyadeenaya Mohamed Yusuf Abdillahi-Diirqadhaadh.